Fariimaha ugu mac Ee la isku Diro..
Akhristayashow Qiimaha leh waxan idin Ogeysinaya inaadan udirin fariimahaan Gabar/wiil aadan jacel dhab ah uqawin hana u adeegsan Dhalanteed jaceyl Thanks.
Fariimo jaceyl
Calaacal : hadaba ku bilow sidaan
From : naf kuu oo man
Ku bilow aboowe/abaayo marka hore iga guddoon salaan sidato saxansaxo roobeed oo ugdgoon badan kaagana timid saableyda oo idil
Cishqigaan kuu qabo
Cawadiioo idil
Cindigaan ku hayaa
Caafimaad haddaan helo
Cindigeyga wuxuu tabaa
Guri inaan wadaagno
Galabtii alle keena
Garaadkaan kuu hayaa
Gacan wacan ii fidi
Haddaan garabka la i qaban
God caawa inaan u hoydaan
Go,aan ku gaaray
Galabtii alle keeno
Gabay gaagab sidaa
Waxaa sii socda calaacalka jaceylka sii qooraarso habka aad ugu jeedisan karto naf aad jeceshahay
From :naf loo dhibanyahay
Ku bilow sidaan
Garab baan kaa rabaa
Gacal aan wadaagnoo
Galabtii alle keeno
Garbahaan isku hayaa
Gargaar ii fidi
Haddaan ku waayo habeenkii
Hurdo waan ka quustaa
Harsina warkeeda daa
Halbowlihii dhiigga sidey iyo
Hungurigaa I istaagey
Hamuun baa ii heysee
Hal mar ii imow
Adaan kuu hilboobee
Intaan iilka lay dhigin
Itaan alwaaxa laygu xirin
I saar sambabada agtoodiyo
Saableyda caloosha I saar
Si uun aan u maqsuudo
Sahal ma ahan caashaq
Sidaan ha ii gelin
Calaacal :
From : naf loo dhib qabo
Ku bilow aboowe mise abaayo
Sahal ma ahan caashaqu
Mar hadduu ku saaqo
Wadnahaana surnaado
Suuradaada wacan baa
Saqda dhexe habeenkii
Sahwi baan dareemaa
Siduu ii saaqay daranaa
Sida aan u surnaa
Saqdi dhexe habeenkii
Barbarkaan u jiifsado
Baryo ka soo kici maayo
Bogga iyo calooshiyo
Beerkaa la iiga badan yahay
Bartaada hadaan arko
Bisha afar iyo tobnaad baa
Ber walba ku moodaa
Bilicdaada wacan baa
Bartamaha habeenkii
Bilicsami u eegaa
.......................................................................
Codsi jaceyel
From : nafkuu waalan
Ku bilow aboowe ama abaayo xabiibi ama xabiibti
Waxaan u bukaa kulankaaga haddaan waayana waxaa hubaal ah inaan
hagar la kulmaayo
Hadaba ka bogosho wacan geeraarkani
Haddaan hawada kaa arkey
Hungurigii oo idil
Hami waan u waayey
Hilow caahaq baan higsadaa
Ma hurdo habeenkii
Hami jaceyl adigaa horey iigu abuurte
Halbowlihii dhiigga wadey iyo
Hagihii nafteydaa adi kuu hibeeyee
Haddan adiga ku helin
Hubaal waxaa ah
Hambalyaan iska daayee
Harsi waan ka sabrey
Iyo hurd habeen oo idil
Sarbeeb jaceyl :
Ku bilow aboowe ama abaayo waxaan kuu hibeeyay salaan ay isu diraan dadka nolosha wadaagey ee kala dheeraadey ee dareemey cidlo
Markii aan ku waayey
Midigteydi baa luntey
Marxabeyn iska daayee
Murug baan dareemey
Macnahaasi maan garan
Ma caashaq baa I helay
Ma hogaan baan rabaa
Ma adigaan ku tabey
Marxaladaan joogo
Ma qiyaasi karaayo
Marxuum in aan ahay
Mugdi inaan ku jiro
Marqaati looma haabno
Midig caashaq ii fiiri
Mar haddaan ku waayo
Mugdi baan dareemaa
Balan jaceyl:
From : naf kulan laga rabo
Ku bilow aboowe mise abaayo
Berigii aan ku bartaa
I laa bil iyo ayaamaa
U bukaa aragaaga
Bohlyow daraaddii
Bal inaan ku bogsado
Bartaada inaan arko
Beerkaad iiga taalaa
Bilicdaada qurxoon
Baan u bogaya anigee
Balan ila wadaagoo
Bartamaha badweyntiyo
Bal inaan booqano
Beerihii afgooyiyo
Bartamaha jannaalaa
Bashaal u aadnaa
Barthamaha jaceylkana
Beer wacan u fidinaa
Ballantaan iga aqbal
Yaa wax jaceloo Diraya fariimahan
Qoomamo jaceyl :
Qoomamaan joogaa
Qiimihii wacanaa iyo
Qurux daad laheyd baa
Qarka iga tuuree
Qabri inaan u hodaa
Qorshahaagu ahaa
Qaadir baa ii macneeyay
Qiyaanadii wadatey iyo
Qalbigaaga ii dumay
Qorshahaad waddoo idil
Qeex baan u haysaa
Qatal haddaad is laheyd
Qorshahaasi wuu lumey
Qurux haddey qiimo leedahay
Qiyaasna loo dhameeyay
Qiyaano aan dhamaan
Qalbi caruur baad tahee
Qiyaamo heer laguma gaaree is qabo
Geeraaro jaceyl
Fron : naf wax lala wado
Gabey baan kuu marayaa
Gacal wacan xambaarsan
Gayaantii xiligaan
Gacal lala wadaaba adigaa
Gacal mudan hadaan ruux
Gacloonayo gacan wacan la siinaayo
Adigaa guddoon mudan
Haddan eego gayaankaan
Gacal looma quuree
Garaad wacan inaad tahay
Garwaaqso ogow
Musbaax baad tahay ifeysoo
Muuqaalkaaga wacan baa
Horay ugu maqsuudee
Saxansaxo roobkiyo
Si carfoon u jiidaa
Saakey iila mid tahay
Geeraar amaan ah
Dahab baa lagu moodaa
Hadduu ruux ku daawado
Kaama daayo eegmada
Danihiisa wuu gabaa
Da,yar wacan inaad tahay
Dadkaan u sheegaa
Daliil looma baahna
Da,yartii qurxooneyd
Dadku eegi waayeen
Dahab la mood inaad tahay
Daah igama saarna
Dooq haduu jiro
Da,yar loo qaado
Dad kale uma qalmo
Doolar iyo diinaar
Inta hanti dunidaan taalo
Adigaa kaa door roon
Damqashada jirkeygaan
Weli wuu dareemaa
Daacad wcan inaad tahay
Dadkoo dhan wey yaqaanaan
.........................................
Hamuun jaceyl
From :naf loo hamuun qabo
Hamuun baan kuu qabaa
Halbowlihii dhiiga sidey iyo
Howl wadeenkii jirkoo idil
Heegan bey kuu yihiin
Haddan kuu jeedi waayo
Hurdo caashaq maan helin
Hilowga aan kuu qabo
Howlaha aduunkaa is
Hareero yaallee
Hoog iyo caloolyoow
Hurdo xumaan kuu noolahay
Haasaawe maan helin
Hilowga aan kuu qabo
Habeenkii oo idil
Hareerahaan kaa dayaa
Hamuun caashaq baa I helay
Heesaha jaceylkuna
Adaa igu habey dhamaantood
Horaadkaaga isaaroo
Hamuunta iga gooy
Geeraar guurdoon ah
From : naf guur laga rabo
Guurbaan kaa rabaa
Gacan aan wadaagnoo
Guri xalaal ah aan degnoo
Garab wacan I siiyoo
Garwaaqso hadalkeyga
Mar haddaan is gacloonay
Is garabsano wacanaa
Samir baan kuu wadaa
Sacabo xalaal ahoo wacan
Samir iiga gudoon
Sababtaa waxaa leh
Ilicii horoon marnay
Samirkiisii weeyaan
Suuradaadaa wacan baa
Suniyahaa I deeqee
Sambabada iyo calooshiyo
Seedahey I gooyeen
La,aantaada samri waayoo
Ilaa aan saxaro
Sir dambe kaa rabee
Suurta geli guurkaan
Maseyr :
From : naf laga shakiyey
Mar quraan dareemay
Muraad inaad iga laheyn
Meel kalaad u dareertey
Maskaxdaada aad siisey
Muran badan adoon gelin
Murugaa igu fogaatee
Maseyr aan dhamaan baa
Madaxeyga ku mug leh
Micno ma lahan aduunkaan
Mid kalaan calman doonaa
Daacad ahow daryeel mudan
Dadka u u riyaaqoo
Duco iyo wanagiyo
Dadka ay u wadaan
Daacad baad igu wadey
Daacad hadaad tahay
Daaha ka rog hadalkaaga
Aroos
From : ku bilow mudan ama marwo, ama arooska ama aroosada
Nolo waa docee
Daa,iin waxaan ka tuugey
Daacad inaad ahaantaan
Daahir iyo dulliyo
Daa,in u diin siiyo
Daadah aad tiraahdaan
Daar wacan oon dumeyn
Iyo daacad baan idin amrey
Daa,in waxaan ka tuugey
Da,da maanta jirtoo dhan
Duqow iyo doob
Iney idiin duceeyaan
Daar xalaal ahoo wacan
Dunidaan lala yaabo
Daa,in uu idiin siiyoo
Dadka hadalkoodana
Allaha ha idinka daboolo
Duco waxaan mudan
Daacad kuwii isu ah
Ayuu daa,in ka aqbalaa
Cafis
From : naf lagu qaldamey , aboowe ama abaayo
Catow baan kuu wadaa
Cafis baan kaa rabaa iyo
Calool fiyoowi
Cawaaqib xumadaan marey
Cawo iyo ayaan baa
Caloosha kugu hayaa
Calwasaad baa I dilay
Cuqubadaan dareemay
Ceyshkiiba waan gabay
Caqli xumaa I qaadey
Cishadaan ku waayay
Subixii ma tooso s
Suntii aad igu beertey
Sedexdii sano tagtey
Sahal baan ku dareemay
Sifahaaga wacan baa
Saqdii dhexe habeenkii
Si xun ugu qarwaa
Sohwi baan dareemay
Si uun ii cafi
Daadis :
From : naf ladiidey
Na daneysataa tahay
Naceb aan u qaaday
Niyadda kaa jarey
Naxariis kuuma hayo
Nacabka aan kuu qabo
Niyadeydii buu diley
Nabarada caashaqa adigaa dhimay
Nakala daa walaal
Niyad kuuma haayee
Nabad baan kaa rajaynayaa
Niyaddaa kuu diidee
Naf ku neeceb aduunkan
Nolol kuuma quurtee
Na kala daa walaal
Nooc kastood ahaato
Niyaddaa ku diidee
Na kala daa walaal
Nabsi adigaa dalbadey
Neecaawda xanuunka leh
Niyadaada ku samirsii
Weli waa uu socdaa daadiskiiyee indhaha u fur
Damacaa ku qaadee
Dooqaagu waa doolar
Dan kaama lihiyee I daa
Doqon aan jeclaaday
Dahab hadii lagu raro
Doolar iyo diinaar
Dan kaama lihiye
Dooni mid kale
Doqon lama dugaashee
Da.yer baan ahee I daa
Duduubey hadalkaaga
Ducaan duqowda weydiisan
Danihii aan laha
Dartaan baan u gubay
Ku diidey aniguye
Kurbo caashaq kaama lihi
Kol horaan ku diidey
Kulan kuuma quuree
Kobtaada I maqashii
Dardaaran
From :naf la waaninayo
Waxaan kaaga digayaa
Damac aan loo meel dayin
Dabin lagama waayee
Daacad inaad ahaataa
Ruux daacad ah
Rabbi wuu jeclaadaa
Rabiaan haduu ku galo
Rixim goys ha noqon
Runta daaha ka qaad
Ruux wacanoo loo riyaaqay
Rasmina reerka ugu dagay
Taam ka dhig noloshaada
Tiir wacan waxaa ah
Tii lagu nagaadee
Tilmaan wacan ahaataa
Talo kuugu darayaa

